Caalim:-“Yaan La Siyaasadeenin Wada-hadalada u Furmaya Galmudug iyo Ahlu-sunna”,Dhageyso

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho oo Ku baaqay inaan la Siyaasadeyn Wada-hadalada lagu wado in dhawaan ay u furmaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna, si Maamul mideysan u yeesho Gobolada Dhexe.

Maxamed Axmed Caalim ayaa tilmaamay wax lagu farxo in ay tahay in miiska wada-hadalka ay iskugu yimaadaan Maamulada Galmudug iyo Ahlu-sunna, islamarkaana ay ka tashadaan sidii loo mideyn lahaa dadka Gobolada Dhexe, wuxuuna Talaabadaan uu ku tilmaamay mid ay soo dhaweynayaan siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhexe.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim ayaa kaga Mahadceliyay Dowladda Dhexe ee Soomaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo dhawaan shaaciyay in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Galmudug islamarkaana loo baahan yahay in la qanciyo Maamul Gobolada Dhexe ee Ahlusuana Waljameeca.

aa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here