Akhriso:-Magacyadda Saraakiisha Lagu Dilay Qaraxii Ka Dhacay Dugsiga Tababarka Xero Nacnac

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya waxaa qarixii barqanimadii maanta ka dhacay Degmada Wadajir ku dhintay saraakiil ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya.

Gaashaanle Dhexe Abuukar Dheere iyo Labo Xidigle Macalin C/kariin, sarkaal kale oo magaciisa aan la ogaanin, iyo askar ka Tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay qaraxii uu fuliyay nin isa soo miidaamiyay ee ka dhacay Warshadii Hore ee Nacnaca ee Degmada Wadajir ee Gobolka banaadir.

Saraakiisha ayaa la xaqiijiyay in ay xirada ku sugnaayeen islamarkaana ay kulan ku lahaayeen, balse mar qur ah ay la kulmeen qaraxa uu fuliyay ninka isa soo miidaamiyay ee watay dharka Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here