Faa-faahin:-Qasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Ka Dhacay Warshadii Hore ee Nacnaca Wadajir

0

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa dhimatay 15 kalena way dhaawacmeen kadib markii abaarihii 11:25-daqiiqo uu isku qarxiyay nin soo xirtay labiska Ciidanka Dowladda Federaalka Warshadii Hore ee Nacnaca Degmada Wadajir.

Ninka isqarxiyay ayaa la xaqiijiyay in uu xirnaa Jaakadda Qaraxyadda loo adeegsado, islamrkaana uu qaraxa ka dhacay Gudaha Xiradda Malatari ee Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku taala Warshadii Hore ee Nacnaca Degmada Wadajir.

Mamulka Degmada Wadajir ee Dowladda Soomaliya ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay Gudaha xiradda islamarkaana uu jiro qasaaro dhimsho iyo dhaawac soo gaaray Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xarunta ay ku shirsanaayeen xiligaas Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here