Dowlada turkiga ayaa cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaalada mogdishu oo lala beegsaday kolonyo ciidan ah oo uu la socday taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed jeneraal Cirfiid.
“Waxaan aad kaga xun-nahay qaraxii axadii ka dhacay magaalada Mogadishu ee lala bartilmaameedsaday kolonyo ciidan ah oo saraakiil sar sare oo katirsan militriga ay la socdeen kaa oo ka dhacay meel u dhaw xarunta wasaarada difaaca ee dowlada federalka soomaaliya oo dad shacab ah ay ku dhinteen halka tobanaan kale ku dhaawacmeen” sidaasi waxaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaarada difaaca dalka Turky-ga.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay “ si weyn ayaa u cambaareyneenaa weerarada kooxaha argagixisada, waxaan u rajeyneenaa naxariista Allah kuwa naftooda weerarkaasi ku waayay, waxaan tacsi u direenaa qoysaskii ay ka dhinteen dadkoodii ay jeclaayeen waxaana u rajeyneenaa in si dhaqsi ah in ay ku caafimaadaan dadkii dhaawacmay”
weerarkaasi qasaaraha shacbiyaad sababay ayaa waxaa sheegtay in ay fuliyeen Xarakada al shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qacida, waxayna sheegeen in lagu dilay weerarkaas 7-askari.

