Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Maamulka Puntland 19 badmaaxiyiin ah oo ajnabi ah ayaa laga soo badbaadiyay markab ay kooxaha burcad badeeda Soomaalida ka afduubteen gacanka Cadan.
Saraakiisha ciidamada Badda Maamulka Puntland ayaa Maalintii sabtidii ee Todobaadkaan helay digniin ku saabsan in burcad badeed dooni watay ay koreen markab marayay meel 75 mayl ujirta xeebaha Yemen.
Dhanka kale Afhayeen u hadlay shirkad laga leeyahay dalka UK oo ka shaqeysa ammaanka baddaha, fadhigeeduna yahay Dubai, ayaa sheegay dhammaan shaqaalaha badmaaxiyiinta lasoo bad baadiyay inay bad-qabaan.Wuxuu kaloo sheegay inay kasoo jeedaan dalka Syri, balse war kasoo baxay wasaaradda difaaca ee dalka India ayaa lagu sheegay inay kasoo jeedaan dalka Philppines.

