Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul u beeniyay warar maalmihii dambe lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadanaa in dib loogu celinaayo xilkiisa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya.
Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuu ayaa tilmaamay in uu si weyn u garanayo ragga ka dambeeya warbixinta beenta ah ee laga faafiyay ee ku saabsan in loo magacaabayo taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya oo sanadihii dambe uu hayay, inkastoo haatan uu hayo Jeneraal Koofi.
Waxa uu sidoo Taliyihii hore ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud uu nasiib daro ku tilmaamay in si qaldan loo isticmaalo saxiixaRraisulsaaaha Xukuumadda Soomaliya,waxa uuna ku baaqay In sharciga la horkeeno ragiii ka dambeeyay arintaan.
Ragga falkaas sameeyay ayuu sheegay in ay ku sugan yihiin Hoteelada iyo Xarunta Madaxtooyada.
Kadib markii uu shalay wareejiyay xilka Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed waxaa baraha bulshada lagu baahiyay warqad uu ku saxiixan yahay Raisulwasaaraha Soomaliya oo ku aadan in Gaafow mar kale loo magacaabayo xilka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya.

