Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed jeneraal Maxamed Jimcaale Cirfiid ayaa Goordhaweyd ka badbaaday qarax la doonayay in lagu qaarijiyo oo ka dhacay agagaar Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya ee Degmada Deyniile.
Qaraxa ka dhacay agagaarka wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya ee Degmada Deyniile ee la doonayay in lagu dilo taliyaha, ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay wax ku noqdeen dad shacab ahaa oo saarnaa gaari oo marayay wadada warshahada.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in lagu dhuftay kolonyo uu la socday Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed jeneraal Cirfiid, balse uu taliyaha ka badbaaday.
La soco wixii kusoo kordha warkaan

