Xildhibaan Cali Guure Maxamed oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka jubba-land ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinadda qaar oo sheegayay in laga soo masaafuriyay Magaalada kismaayo ee Caasimadda kmg ah ee Maamulka Jubba-land.
Xildhibaanka ayaa sheegay arrimo isaga u gaar ah uu usoo aaday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, islamarkaana markii hore uu doonayay in uu soo raaco diyaarad usoo socotay Magaalada Muqdisho balse ka buuxsantay.
Waxa uu sidoo kale Xildhibaan Cali Guure Maxamed oo kamid ah Baarlamaanka Maamulka jubba-land waxa uu beeniyay in uu isaga hogaaminayo mooshin laga keenay Gudoomiyaha Baarlaamaanka Maamulka Jubba-land.
Xildhibaan ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan cidna ka hor istaagi Karin Magaalada kismaayo kana soo masaafurin Karin.
Warar saakay la baahiyay ayaa ku waramayay in Xildhibaan Xildhibaan Cali Guure Maxamed laga soo masaafuriyay Magaalada Kismaayo.

