Dowlada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka midowoga Africa ee AMISOM ayaa maanta ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalkeeda waxa ay soo gaareen gudaha dalka Soomaaliya kuwaa oo loogu talagalay in ay ka qeyb qaataan howlgalada lagu taageerayo nabadda iyo amaanka dalka Soomaaliya.
Ciidankaan laga howlgalinayo gudaha dalka Soomaaliya ayaa badalaya guuto kale oo horay dalka ugu howlgashay mudo dhan ilaa iyo halsano.
Ciidamadan maanta magaalada mogadishu soo gaaray ayaa sugi doono amaanka goobo muhiim ah oo ay kamid tahay dakedda magaalada Mogadishu,xarunta baarlamaanka federalka Soomaaliya, madaxtooyada dalka looga arimiyo,garoonka Aadan Adde ee magaalada mogadisho iyo xerada amisom ee Xalane.
Goobaha kale ee Ciidamadan ka Tirsan howlgalka AMISOM ee magaalada mogdishu maanta soo caga dhigtay ayaa sidoo kale laga howlgelin doonaa sida la sheegay goobaha laga xureeyay xarakada al shabaab oo ay kamid tahay Deegaanko Leego, deegaanka carbiska ee dhaca duleedka magaalada Mogadishu iyo deegaanka jazeera ee hoostaga gobalka Shabeelaha hoose iyo deegaano kale oo dhaca isla gobalka Shabeelaha hoose.
Col.chris ogwal oo ah taliyaha ciidanka maanta soo garay magaalada mogdishu oo intii u dhaxeesay sanadii 2012-iyo 2013-kii ka howlgalay gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu la shaqeyn doono dowlada federalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay ciidamada maanta soo gaaray mogdishu ilaalinta nidaamka iyo anshaxa howlgalka isagoo ugu baaqay wada shaqeyn in ay yeeshaan ciidamada iyo ilaalinyta.

