Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo gacanta ku haysay dacwad loo haystay Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa maanta ku dhawaaqday xukunka lagu riday wariyaha oo mudooyinkii dambe dacwadiisa ay Socotay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Wariyaha lagu xukumay xabsi 2-sano ah,islamarkaana uu ku xadgudbay qarimadda Maamulka Somali-land.
Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in wariyaha laga daayey ganaaxii la socday xarigaasi,Waxaana xukunka Xariga ah uu ka bilaabmayaa maanta oo bishu tahay 08-04-2017 sida Gudoomiyaha Maxkamadda uu sheegay.
Talaabadaan ayaa waxaa aad kaga xumaaday shacabka kasoo jeeda deeganada Maamulka Somali-land, waxayna dalbadeen in dib loogu laabto xukunka lagu riday wariyaha.

