Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Biyaha Soomaaliya Wali Qatar Weyn ay Ka Jirto

0

Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Dambiyada iyo Maandooriyayaasha ayaa ugu baaqay maraakiibta isticmaala biyaha Soomaaliya in ay qaataan talooyinka ay u soo jeediyaan Ilaalada Ciidamada Badda iyo qorshaha ay dejiyeen ururka badaha caalamiga ee IMO, si looga fogaado weerarada loo geysto maraakiibta ganacsiga.

“Kadib saddex weerar oo burcad badeeda ay geysteen muddo kooban gudahood, iyo shan sano oo weerarada buracd badeeda ay hakad ku jireen waxaa iska cad in weerada kooxaha burcad badeeda Soomaaliyeed ay ku hayeen maraakiibta ganacsiga in dib ay u soo laabateen” sidaas waxaa yiri madaxa fulinta qaramada midoobay u qaabilsan maandooriyayaasha iyo dambiyada.

“waxaan ka codsanayaa beesha caalamka in feejignaan dheeri ah ay yeeshaan iyo in si dhaw loo wada shaqeeyo si loola xisaabtamo kooxaha burcad badeeda soomaalida” ayuu hadalkiisa sii raacsaday.

Tan iyo bishii laga soo gudbay waxaa afduub loo geestay maraakiib iyo doonyo shisheeye iyadoo 2 maalin ka hor markab ganacsi oo laga lahaa dalka india kooxaha burcad badeeda soomaalida ay afduubteen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay siiwadi doonto taageeradeeda ay siiso gobalka iyo hay’adaha ladagaalanka burcad badeeda soomaaliya kuwaa oo si weyn ugu baahay dhaamaan xeebaha soomaaliya.

Ugu Dambeyntii madaxa dambiyada badaha qaramada midoobay u qaabilsan Alan Cole ayaa sheegay in si wadajir ah howlgalo xoogan loo qaadi doono isagoo xusay in xabsiyada caalamka lagu hayo boqolaal burcad badeed soomaali ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here