Midowga Yurub oo Soomaliya Ugu Deeqday Lacago Wax Loogu Qabanaayo Abaaraha+Dhageyso

0

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Xaaji Cali Shiikh Maxamed Nuur oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya Midowga Yurub ay ugu deeqeyso 50 milyan oo pound si wax looga qabto Xaalada barakacaayasha abaarta ay soo barakicisay.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegey in la furay shir ay hormuud ka tahay Midowga yurub oo lagaga hadlaayo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidii loo caawin lahaa dadka kusoo barakacay gudaha Soomaaliya oo kasoo barakacay dagaalada ka jira dalka Yamen.

“Sidaad la socotaan dalkeena waxuu soo maray dagaalo Sokeeye oo sababay in dadka ay ka qaxaan wadankooda oo aay u qaxaan wadamada diriska sida Kenya iyo Yamen dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeedana waxay mahad balaaran u diraayaan dalalkaasi hadane waxaa la joogaa xiligii qaxoootiga Soomaaliyeed ee wadamadaas ku barakacay ay wadanka dib ugusoo laaban lahayen”, sidaasi waxaa yiri wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in loobahan yahay in qaxootiga soo laabtay laga saacido arrimaha waxbarashada iyo sidii y shaqo ku heli lahaayeen si buu yiri ay u kaafiyaan noloshooda.

“Mashruucan midowga yurub ku dhawaaqday ee lagu caawinaayo qaxootiga Soomaliya kusoo laabanayo waxaa loo bahanyahay in uusan afka ku ekaan ee waxqabadkiisu uu hir-gello dowladda Soomaaliyana waxay hubin doontaa in dhaqaalahaasi uu gaaray dadka loogu talagay waane soo dhaweenaynaa”, ayuu mar kale yiri wasiir ku-xigeenka.

Ugu dambeyntii Wasiirka ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka hadlay qaxootiga kusoo laabtay ilaa hada gudaha wadanka waxuune xaqiijiyey in aanan lahayn tirada saxda ah ee soomaaliya kusoo laabatay.

wasiir ku xigeenka arimaha gudaha xaaji cali sheekh Max.ed Nuur

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here