Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaliya oo Iska Kaashanaya Taakuleynta Qaxootiga

0

U qaabilsanaha arrimaha bina’aadanimadda Qaramada Midoobay Peter De Clecq oo warbaahinta kula hadlay xarunta xalane ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Qaramadda Midoobay iyo Dowladda Federaalka ay iska kaashadeyn taakuleynta qaxootiga soomaliyeed ee kusoo laabtay gudaha dalka.

“Waad mahadsantahiin wasiiro, wasiiro kuxigeeno marti sharafta gaarka ah iyo asxaabta kasoo qeyb galay shirkaan waxaa farxad weyn ii ah in aan maanta idinla wadaago mashruuca taakuleynta barakacayaasha aduunka ee ay taakuleyneeso midowga yurub”

“Waxaan fursadaan uga faa iideysanaayaa in aan u mahadceliyo wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo wakiilada mataalayo midowga yurub maadaama ay dhidibada u aaseyn mashruucaan lagu caawinaayo dadka barakacayaasha ah looguna abuuraayo fursado shaqo oo muhiim ah oo ay ku shaqeysan karaan waxaane mashruucyadaan laga hirgelinayaa dhamaan goobaha aay kusoo laabanaayaan barakacaaya dib ugusoo laabanaayo dalka”.ayuu yiri Peter De Clecq.
Dhanka kale denjiraha Midowga Yurub ee arrimaha Soomaliya lorenza ayaa tiri dhankeeda.

“waxaa la socotaan in bulshada caalamka ay waqti ku qaadato in aay isku soo aruuruiyaan qarashaad lagu saacido dadka u baahan waqti ayay qaadanaysaa in la diyaariyo habkii loo caawin lahaa sidoo kale waqti ayay qaadanaysaa ilaa bilal in la ogaado oo laga hadlo dhibaatooyinka taagan waxaane fursad weyn ah in maanta hooshaas aay soo dhamaatay oo la hirgelinaayo”,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here