Haweeney Gowracday Gabar 6-sano Jir Aheyd oo Xukun Lagu Riday

0

Maxakamadda Sare ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah Xukun dil ah ku riday Haweeney Gowracday Gabar 6-sano jir aheyd oo ah sheegtay in ay dhibtay.

Maxkamadda Maamulka Galmudug ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay baaris ku haysay kiiska Haweeneyda waxaana ugu dambeynii ay shaacisay in haweeneyda ay si bareer ah u Gowracday Gadhaha 6-sano jirka aheyd, taasi oo meydkeeda laga helay xili Habeen ah Duleedka Magaalada Cadaado.

Sidoo kale Maxakamadda Sare ee Maamulka galmudug ayaa sheegtay in Haweeneydaan ay qiratay in ay gowracday Gabdhaha islamarkaana ay ku xukuntay Maxkamaddda xukun dil ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug Maxamed Keynaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kiiska Dacwadaan uu muddo soo jiitamayay ugu dambeyntii lagu guuleystay in xukun lagu riddo Haweeneyda.

Haweeneydaan ayaa lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida Galmudug waxayna dhacdaan Magaalada Cadaado ay ka dhacday 7-dii bishii Maarso ee sanadkaan 2017-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here