Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa ka dhacay kulan loogu hadlaayay amniga oo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Gobolka iyo wasaaradda Amniga Puntland.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed (Faraweyne, iyo Taliyaha la dagaalanka argigixisada Puntland General Muxyadiin Axmed Muuse.
Waxyaabaha kulanka loogu hadlayay waxaa ugu waa weyn sugida amniga deeganada maamulka puntland oo mudooyinkii ugu dambeeyay dilal qorshaysan ay ka geysanayeen dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdulaahi Maxamed (Faraweyne ayaa sheegay howgalkaan inuu bilaabandoono todobada bishaan, isagoo socondoono habeen iyo maalin.
Awaamiirta kasoo baxay shirka waxaa kamid ah:-
1: In la qabto dhammaan dambiilayaasha oo kala ah Argigixisada, kuwa dadka baarta iyo kuwa dhulka lu haya boobka
2:-Laga bilaabo todobada bishaan qofkii lagu qabto hub isagoo aan shaqo ku jirin sharciga ayaa la horgaynaynaa, hubkana waa lagala wareegayaa.
Howlgal lagu sugayo amniga waxaa taliye loogu dhigay Taliyaha la dagaalanka argigixisada General Muxyadiin Axmed Muuse waxa uuna wacad ku maray inay gacan bir ku qabandoonaan burcada dhibaatada ku haysa bulshada.
Ugu dambeyntii Wasiirka amniga dowladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa sheegay ciidamadu inay haystaan amar buuxa oo ku saabsan inay dilaan dambiilihii iska caabin kala hor yimaada ciidamada.
Saraakiisha ayaa ciidamada howgalkaan fulinaya kula hadlay garoonka kubadda cagta Mira-Awaare, iyagoo kula dardaarmay inay shacabka si naxariis leh ugu shaqeeyaan islamarkaana aysan sameynin tilaabo xad gudub ah.

