Raisulwasaaraha Soomaliya oo Kusoo Laabanaya Magaalada Muqdisho+ Sawiro

2

Madaxweynaha  Puntlad Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka  Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Cumar Camey iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Axmed Cali Xaashi ayaa maanta 28-Nov-2015 kusii sagootiyey Gegida Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra’iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’ake iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo.

Weftiga ayaa  ku laabtay magaalada muqdisho halkaas oo ay markii horebe kasoo kicitmeen kadib markii ay  Garoowe u yimaadeen xal u raadinta  shaqaaqooyinka kasoo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka iyo sidii dib guryohoodii loogu celin lahaa dadkii kasoo barakacay shaqooyinkaasi.

Ra’iisul-wasaare Sharma’arke ayaa koox xaqiiqo raadin ah oo  weftigiisa kamid ah  u diray magaalada Gaalkacyo si’ay usoo ogaadaan xaqiiqada dhabta ah ee kajirta magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxdan xaqiiqo raadinta ah ee  uu diray RW Sharmaarke ayaa waxaa kamid ah Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliya, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka iyo wasiiro dawlayaal.

Madaxweynaha  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay Ra’iisul-wasaaraha iyo Weftigiisaba  Dhammaanba in ay Puntland marwalba diyaar u tahay inay nabad iyo deris wanaag kula noolaato ummadda Soomaaliyeed balse aanay marnaba  gor-gortan kageleyn una dulqaadaneyn wixii wax udhimaya jirtaanka Puntland.

p1(9).jpg IMG_8681 IMG_8669 IMG_8656 IMG_8652 IMG_8646 IMG_8620 IMG_8614

 

2 YORUMLAR

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here