Shirkaani ayaa waxaa lagu xusaayey madaxbanaanida garsoorka qaaradaani afrika waxaane dowladda soomaaliya ku mataaleyey gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka mudane Ibraahim Iidle Sulaymaan iyo wafdi uu hogaaminaayey waxaane inta shirka uu socday lagu lafo-guray arrimo quseeya garsoorka guud ahaan qaaradda Afrika.
Shirkaani oo maalintiisa labaad galay ayaa waxaa diiradda lagu saarey sida aay u howl-gallaan hay”adaha garsoorka qaarada Afrika iyadoo sidoo kale laga eegayay dhanka dhaqaalaha iyo hab maamulkooda.
Wafdiga uu hogaaminaayo gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka waxaa kamid ah Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheikh Ibraahim (Dhiblaawe) danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed C/llaahi Ugaas iyo xubna kale.
Mar uu la hadlaayey warbaahinta Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegey in wafuudii ka qeyb galeesay shirka ay is dhaafsadeyn sidii loo heli lahaa garsoor madax banaan marka ay timaado fulinta xukunada maxkamada kasoo baxa.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in shirka sidoo kale looga hadlay sidii loo dhameestiri lahaa dhisida hay’adaha garsoorka qaarada afrika iyo in la qaban doono tababaro kor loogu qaadayo xirfadda garsoorayaasha qaaradda afrika si buu yiri aan ula jaanqaadno wadamada hormaray
Ugu dambeyntiina shirkaani ayaa lagu wadaa in maalina beri ah looga hadlo arrimo aay ka mid yahiin tahriibka kahor intaan lasoo gaba gabeyn.





