Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa ku Hanjabay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib ula wareegi doonaan degmada Ceelbuur oo Al-shabaab ay gacanta ku hayaan.
Nuur Xasan Guutaale Gudoomiyaha Degmada Ceel-buur oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada muqdisho ayaa sheegay in xeelad dagaal ay kaga baxeyn Degmada islamarkaana ay saacadaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan degmadaas waa siduu hadalka u dhigee.
Waxa uu sheegay in Al-shabaab aysan Laheyn awood ay kusii joogaan Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya,islamarkaana ay diyaar u yihiin dib u qabsashada degmadaas oo uu sheegay in ay tahay mid istaatiijiji ah.
Al-shabaab ayaa haatan maamula Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud waxaa shalay isaga baxay Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna ku sugnaayeen degmadaas muddo 3-sano.

