Xildhibaanada oo Loo Qeybin Doono Mooshin Ka Dhan ah Dekada Berbera+Dhageyso

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri ah Taariikhdana ay ku beegan tahay 5/4/2017-ka waxaa loo qeybin doonaa Mooshin ka dhan Heshiiska Dekada Berbera ay kula wareegeyso Shirkad laga leeyahay wadanka imaaraadka Carabta.

20-Xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana kasoo jeeda deeganada Somali-land ayaa gudoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya u gudbiyay Mooshinka ka dhan heshiiska Dekada Berbera ay kula wareegyso Shirkadd laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada Mooshinka wada waxaa hogaaminaya Xildhibaan C/laahi Shiikh Xasan waxa uuna sheegay in Gudoonka ay u gudbiyaan Mooshinka dekada berbera islamarkaana Xildhibaanada Loo qeybin doono Maalinta Arbacada.

Waxa uu sheegay in Guddooka uu howlo kale ku mashquulay, balse ay isla garteen in maalinta Arbacada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya loo qeybiyo qoraaladda Mooshin ka dhan heshiiska dekada berbera.

Maamulka Somali-land iyo Dowladda Imaaraadka carabta ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis dhigaya in Shirkada lga leeyahay dalkaas ay muddo la wareegto gacan ku heynta Dekada Berbera ee Gobolka Saaxil.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here