Raisulwasaraha Soomaliya oo ka baaqday Safar uu ku Tagi lahaa Magaalada Gaalkacyo

0

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Shamarke ayaa Maanta ka baaqday Safar uu ku Tagi lahaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa baaqashadiisa lagu sababeeyay kadib markii saakay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland,

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa  ku Howlan Xalinta iyo Colaada ka Jirta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug isagoona shalay gaaray Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Soomaliya ayaa Xalay ilee saakay kulan kula lahaa Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here