Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkayo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Galmudug ay la wareegeen xaafado Hoos Yimaada Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Xaafadaha ay Ciidamada Maamulka Galmudug ay la wareegeen waxaa kamid ah Xaafada garsoor ,kontaroolka waqooyiga Gaalkacyo , xaafada Cagaarweyne iyo sidoo kale qaybo ka mid ah Xaafada israac ee Waqooyiga gaalkacyo ee isla Gobolka Mudug,
Horey waxaa ugu sugnaa xaafadaha ay Maanta la Wareegeen Ciidamada Maamulka Galmudug kuwa Maamulka Puntland waxayna la wereegitaankooda ay imaanaysaa kadib markii saaka uu dagaal xoogan uu ka dhacay Gobolka Mudug,
Dhanka kale Wali wax War ah kama soo bixin Maamulada Galmudug iyo Puntland ay kaga Hadlayaan arinta ku aadan la wareegitaanka xaafadaha Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo


Khadra Warsame liked this on Facebook.
Qaalid Xasan liked this on Facebook.
Abdi Quuri liked this on Facebook.