Xarakada Al-shabaab oo bandhigtay Muuqaal la daawan karo muddo 7 daqiiqo ah ayaa waxaa kasoo muuqanaya maxbuus kenyaan ah oo lagu qabtay dagaalkii sanadkii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo.
Muuqaalka waxaa kasoo dhex muuqanaya David Ngugi Wataari, oo ka Tirsanaa Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM islamarkaana ka Tirsanaa guutada 120-aad ee madaafiicda, Waxaana uu dhashay gobalka Kiyaambu ee dalka Kenya, sida uu sheegay.
Askarigaan u dhashay dalka Kenya ayaa fariin u diray Dowladiisa iyo qoyskiisa waxa uuna ka codsaday in ay ka shaqeeyaan sidii loogu badbaadin lahaa gacanta Xarakada Al-shabaab oo horey u dishay askar u dhalatay dalalka Burundi iyo Uganda.
“Markale waxaan heystaa fursad aan idinkula hadlo hadaad tihiin dadka reer Kenya, anigoo dalbanaya caawinaadiina,Sidaad ogtihiinba, 15-kii bishii January ee sanadkii la soo dhaafay Waxaa magaalada Ceel-cadde nagu soo weeraray Al-Shabaab kuwaas oo ugu dambeyntii saldhigeena la wareegay, cagtana mariyey xerada iyo wixii ku jiray, qaar badan oo saaxiibadeena ah wey dhinteen, Anaguna Al-Shabaab ayaa gacanta nagu dhigay, anagoo maxaabiis dagaal ah”, ayuu yiri David Ngugi Wataari.
Dowladda Kenya wali kama aysan hadlin maxbuuska ay ka haystaan Xarakada Al-shabaab.

