Somali-land oo Joojinaysa Mashaariicdii Horumarinta+Dhageyso

0

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la hadlay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Somali-land ay ku dhow dahay In joojiso Mashaariicdii Horumarinta heliska abaarta darteed.

Cabdiraxmaan (Saylici) Madaxweyne Ku-xigeenka Somali-land ayaa sheegay in deegaano ka Tirsan Somali-land ay haatan ka taagan yihiin abaaro xoogan islamarkaana laga cabsi qabo in Somali-land oo idil macluuli ka dilaacdo.

“Abaartu way soo noqnoqotay sannadahan danbe iyada oo aan abaartii sannadkii hore laga soo waaqsan ayaa abaartanina ay dhacday oo roobabkii Gu’ga ee la heli jirayna ay yaraadeen, iyada oo culaysku jiro haddana Somaliland afarta gobol ee bariga abaar ba’an ayaa haysata”,

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Somali-land wuxuu sheegay inkastoo Somaliland tahay maamul gooni isu taag ah, haddana dedaal ugu jiro samato-bixinta bulshadeeda ku tabaalowday abaaraha.

“Waxaannu nahay dawlad yar oo curdin ah oo aan caalamka awood dhaqaale oo badan ka helin, laakin intii itaalkayaga ah waanu dedaalay markii ugu horreysaybana lacag dhan laba milyan oo doollar ayaanu helay oo dadka aanu u siinay waxay cunaan iyo waxay cabaan inta wax kale ay na soo gaadhayaan.”ayuu yiri C/raxmaan Saylici.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here