Camey:-“Ma Ahan in Madaxda ay Ku jiraan Qaboojiyayaal, Dadkana Abaar U Dhintaan”,+Dhageyso

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Soomaliya inay ka gaabiyeen balanqaadkii ahaa in wax loo qaban doono shacabka Soomaliyeed ee abaarta ay saameysay.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay in dadka Puntland kusoo qaxay iyo kuwii horey u joogayba ay dhimanayaan, haddii aysan helin gargaar deg deg ah.

Waxa uu sheegay in Shaqsiyaad ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya in ay gargaar si joogto ah u gaarsiinayaan xarumo kale oo maamul goboleedyadda ah islamarkaama Puntland ay tahay meesha ugu badan ay ku sugan yihiin dadka abaarta ay saameysay.

“Hadii aan la helin kaalmo deg deg ah malmaha soo socda waxaa dhici doonta in dad badan ay u dhintaan Gaajo iyo haraad, madaxda Dowladda Soomaliya waxa ay ku mashquulsan yihiin meelo gaar ah, waxba masoo kordhinayso in lagu raaxayso xarunta dalka ee Muqdisho, ama in lagu dhex shaqeeyo meel ay ku xiran yihiin Qaboojiyayaal”, ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland eng Camey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here