War Deg Deg:-Shaqaalo Ka Tirsan W/Maaliyadda oo Goordhaweyd La Weeraray

0

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan gudaha Degmada Warta-nabada ee Gobolka Banaadir Kooxo Hubeysan oo gaari watay ayaa goordhaweyd weerar waxa ay ku qaadeen Gaari ay la socdeen Shaqaalo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya oo marayay Meel u dhaw Saldhigga Degmadaas.

Kooxda hubeysan ayaa la xaqiijiyay in rasaas ay ku fureen gaariga ay la socdeen shaqaalaha ka Tirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya ee marayay meel ku dhow Saldhiga Degmada Warta-nabada.

Gaariga la weeraray ayaa la xaqiijiyay in ay saarnaayeen 3-ruux oo kamid ahaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya.

Labo kamid ah ayaa dhaawac u soo gaaray, mid kalana waxaa la xaqiijiyay in uu dhintay magaciisa waxaa lagu soo koobay Cali dheere.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here