Madaxa Ciidamada dalka Kenya Joseph Boinnet ayaa amray in baaritan lagu sameeyo dhacdadii lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed taa oo baraha bulshada lagu faafiyay iyadoo muuqaalkaas uu ka soo muuqday askari police- ah oo dil geysanaya.
“Waxaan amaray in baaris lagu sameeyo dhacdadii toogashada aheyd ee ka dhacday Eastleigh” oo ah deegaan ay u badan yihiin Soomaalida una dhaw magaalo madaxda dalka Kenya sida uu sheegay Joseph Boinnet.
“Waan arkay muuqaalka waana cambaareynayaa falkan-horay ayeey u bilowdeen baaritaanada waana soo qaban doonaa cidii falkan ka dambeesay” ayuu hadalkiisa raaciyay Boinnet.
Dhacdadan ayaa kor u qaaday walaaca laga qabo ciidamada police-ka ee dalka Kenya taa oo ku aadan in si aan wanagsaneen ula dhaqmaan dadka shicibka ah ee ku nool gudaha dalka Kenya iyadoo dhacdadan ku toogtay labo wiil oo dhalin yaro aheyd.
Baraha bulshada ayaa lasoo dhigay labo dhalinyaro ahaa oo mid kamid ah uu ahaa Soomali oo uu tooganayo nin dhar shicib ah wata.

