Baaritaano ay samaayeen booliiska jaziirada Malta ayaa lagu soo qabqabtay 5 ruux oo ah muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaa oo lagu eedeeyay in ay iibinayeen xashiis iyo maan dooriyayaal.
Raggan la soo qabqabtay ayaa da’dooda lagu qiyaasay in ay u dhaxeyso 20 ilaa iyo 30 jir iyagoo markii la’soo qabanayay ku sugnaa magaalada Marsa oo booliiska Malta ay baaritaano ka sameeyeen.
Muwaadiniintan soomaaliyeed ee la xirxiray ayaa baaritaano dheer lagu hayay kuwaa oo horay loogu tuhmayay in ay ka ganacsadaan maandooriyaasha dalkaasina ay galiyaan.
Raggan soomaaliyeed ayaa la filayaa in beritoole la’soo taago maxkamad kuwaa oo loo heysto kala gudbinta maan dooriyaasha la geliyo dalkaasi iyadoo police-ku ilaa imika ay wadaan baaritaano ku saabsan raggan soomaaliyeed ee xabsiga la dhigay.
Muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku nool Jaziiradda Malta ayaa inta badan la’kulmo xirag sharci darro iyo waliba maxkamadeyn aan cadaalad aheyn iyadoo dowlada soomaaliyana aysan ka warqabin dhibaatada lagu hayo muwaadinkeeda.

