Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay dalka ayaa xalay ku biiray dadaalada kalsooni raadinta Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo lagu wado in maalinta Arbacada ama Khamiista midkood la hor-geeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.
Farmaajo ayaa la sheegay in uu xalay kulan ay albaabada ay u xiran yihiin uu la qaatay Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa wasiirada islamarkaana looogu hadlay arrinta xiligaan soo korortay ee ah in isbadal lagu sameeyo Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaliya.
Raisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in aanu Xukuumaddiisa wax is bedel ah ku sameyn, inta Baarlamaanka ka ansixinayo, isagoo kala hadlay Xildhibaanada iyo Wasiirada in arrinta kalsooni siinta Xukuumadda la siiyo muhiimada koowaad.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la qaba go’aanka Ra’iisul Wasaaraha ee ah in aan wax ka bedel lagu sameyn Wasiirada cusub, balse ay tahay in si shuruud la’aan ah uu Baarlamaanka ku meel mariyo, waxaana Madaxweynuhu ka codsaday Xildhibaanada in aysan is-hortaagin Xukuumadda.
Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegay in uu xalay baaqday Kulan dhexmari lahaa Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre, iyo Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya kaasi oo loogu hadli lahaa caqabadaha xiligaan hortaagan ansixinta Golaha wasiirada Xukuumadda Soomaliya.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkaan gudihiisa xildhibaano gaaraya 115-mudane ay Guddoonka Golaha shacabka baarlamanka Federaalka Soomaliya ay u gudbiyeen soo jeedin siyaasadeed oo ku aadan in Raisulwasaaraha Soomaliya dib ugu laabto Xukumaadiisa, Guddoonka ayaa ku raacay arintaas.

