
Madaxweynaha Wadanka Turkey-ga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka Hadlay Hadalka kasoo yeeray dhigiisa dalka Russia Vladimir Putin oo Tilmaamaya in dowlada wadanka Mareykanka ay xogog siisay dowlada Turky-ga oo ku aadanaa diyaaradii dhawaan lagu soo riday xuduudka dalalka Turky-ga iyo Syria U dhaxeeya.
Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in aysan dowladiisa helin xogag muujinya in qadka dalka Turky-ga ay soo gashay diyaarada laga lahaa wadanka Russia laakin Ciidamada dalka Turky-ga ay ogaadeen in qadka ay soo gashay diyaarada iyagoona gantaal ku riday waa siduu hadalka u dhigay Masuulka Dalka Turky-ga,
Dhanka kale Xiriirka u dhaxeeya dalalka Turky-ga iyo Russia ayaa wali xun kadib markii ciidamada Talka Turky-ga ay soo rideen diyaarada Laga lahaa dalka Russia,
