Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisa kula jirto Xarakada Al-shabaab kaasi oo socda muddo aad u fog.
Madaxweynaha ayaa sheegay inaysan macquul ahayn inuu iska sii socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo afjaro oo laga guuleysto Xarakada Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay Madaxweynaha Soomaliya in Xarakada Al-Shabaab ay dhibaato badan ku haayaan shacabka Soomaaliyeed dowladduna ay u diyaar gooroobayso dagaal ka dhana ah Al-shabaab iyadoo dowladdu ay kaashanayso Caalamka.
Dhanka kale Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay dhalinyaradda ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ee sida qasabka ah ugu dagaalama in ay isaga soo baxaan islamarkaana ay usoo laabtaan shacabkooda Soomaliyeed iyo qoysaskooda.

