Dowlada mareykanka ayaa xiligaan kalla guurka u ah ciidamada midowga Africa ee AMISOM kuwaa oo la’filayo dabayaaqada 2018-ka in ay kabaxaan guud ahaan dalka soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ka soo horjeedo in howlgalka nabad ilaalineed ee Soomaaliya lahoos keeno Qaramada Midoobay.
Intii lagu guda jira shirka golaha amaanka ee qaramada midoobay kaa oo maalinimdii shalay aheyd lagu qabtay magaalada Washington ee dalka mareykanka ayaa haweyneeda dalka mareykanka ku xigeenka u ah golaha amaanka ee qaramad midoobay Ambassador Michele J. Sison ayaa sheegtay In ciidanka amisom iyo kuwo dowlada Federalka Soomaaliya in ay ka adkaan karaan Xarakada Al shabaab.
Waxaana dhanka kale ay sheegtay in xiligan aysan qiimo laheyn in qaramada midoobay lagu wareejiyo howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya taa oo keeni karta sida ay xustay caqabado dhanka amaanka ah.
AMISOM ayeey sheegtay in ay sii wadan karaan howlgalkooda si al shabaab ay ula dagaalamaan iyadoo tilmaamtay in ay tahay mid adag maadaama amisom ay hoos imaaneyso qaramada midoobay.
Madaxweyna Soomaaliya Mohamed abdullahi Farmaajo ayeey ku dhiiro gelisay in uu la shaqeeyo madaxda maamul goboleedyada dalka si loo dhiso ciidan qaran oo xoog badan si loo sugo amaanka dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku riixay in howlgalka amisom la’hoos geeyo qaramada midoobay kadib markii ciidamada Kenya ay qeybta ka noqdeen ciidamada midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga soomaaliya.

