Wararka ka imanaya magaalada cadaado ayaa ku waramaya in xildhibaan ka tirsan baarlamanaka Galmudug uu ka bad baaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu qaarijiyo.
Xildhibaanka ayaa la sheegay in qaraxa loogu duugay gurigiisa hortiisa inkastoo la sheegay in ay fashiliyee ciidamada nabad sugida Galmudug.
Xildhibaanka oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cumar Maxamuud ayaa idaacadda simba u sheegay in haatan uu bad qabo islamarkaana qarxa ay goobta ka saareen ciidamada amaanka.

