Bananbax Lagu tageerayay Xukuumada Cusub usoo Magacabay Ra,isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.
Dadweynaha ka qeyb galay banaanbaxaasi oo watay calanka Jamhuuriyadda, sawirrada madaxweynaha iyo kan R/wasaaraha ayaa ku dhawaaqay kalmado ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dowladda, iyagoo baarlamanka ka codsaday in ay si aqlabiyad leh ku ansixiyaan wasiirrada cusub si ay dhaqsi u howlgalaan.
Guddoomiye Ku xigeenka Siyaasadda iyo amiga Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye “Yabooh”, Gudoomiyayaasha Ururrada Haweenka Qaranka iyo kan Gobalka Banaadir Jawwhir Baarqab iyo Batuula Sheekh Axmed Gabballe ayaa goobta uu dibadbaxa ka socday ka sheegay in mas’uul iyo shacabba laga wada qeyb qaato sidii dalka looga saari lahaay marxaladaha adag ee uu ku jiro.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon kula hadlay dibadbaxayaasha ayaa ka codsaday Mudanayaasha Barlamaanka Soomaliya in ay tixgaliyaan codsiga shacabka banaanbaxa isugu yimid.






