Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay goordhaweyd xaafadaas ku toogteen askari ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Federaalka Soomaliya.
Askari la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cali C/nuur waxayna Goob-joogayaal ku sugan Xaafaadaas ay idaacadda Simba ay u xaqiijiyeen in ragga hubeysna ay askariga dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirkiisa taasina ay keentay in durbadiiba uu ku geeriyoodo goobta.
Ragii hubeysanaa ayaa goobta isaga baxsaday, waxaa goobta gaaray sida caadada aheyd Ciidamo kanTirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaan lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka askariga.
Mudooyinkii ugu dambeeyay Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa Marti galisay dilal qorshaysan oo loo geysanayay shaqsiyaadka ka tirsan Dowladda federaalka Soomaliya, mana jirto cid loo soo qabtay dilalkaas.

