War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay idaacadda Simba ee magaalada ayaa lagu soo dhaweeyey soo jeedintii Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, oo aheyd in doorashada Madaxweynaha Galmudug dib loo dhigo muddo 45 cisho.
Dhawaaan Xildhibaanada Galmudug ayaa diidmo ka muujiyey arintaan, waxaana la filayaa kulanka Sabtiga ay yeelayaan Xildhibaanada ay go’aan kasoo sari doonaan arintaan.


