Askari booliis ah ayaa lagu tooriyeeyay dhismaha baarlamaanka ee magaalada London, Qofkii weerarkaas lagu eedeeyay waxaa toogtay booliis hubaysan.
Wararka qaarna waxay sheegayaan in gaari si ula kac ah loo jiirsiiyay ugu yaraan afar ruux oo marayay buundada Westminster.
Gawaarida gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta uu shilku ka dhacay.
Ra’iisalwasaaraha Britain Theresa May, ayaa loo sii qaaday goob ammaan ah markii rasaasta la maqlay.
Ilo ayaa BBC-da u sheegay in aysan dhacdadan la xiriirin iyada. Kulankii baarlamaankanana ayaa la hakiyay.





