Wafdi uu Hogaaminaayo madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Magaalada Nairobi kusoo dhaweeyay, Hogaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Kenya aadan Barre Ducaale, wasiirka arimaha Dibada Kenya iyo mas’uuliyiinta kale.
Waxa uu magaalada Nairobi madaxweynaha Soomaliya Maxamed c/laahi Maxamed farmaajo kaga qeyb gali doonaan shir ay yeelaan doonaan madaxda Urur Goboleedka IGAD kaasi oo loogu hadli doono arrimaha Qaxootiga oo Soomalia ay kamid tahay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Nairobi sii joohgi doono muddo 3-maalin ah sida qorshaha uu yahay waxa uu kula kulmi doonaa Madaxweynaha dalkaas iyo Madaxweynayaasha ay Ciidamada ay ka joogaan Sooomaliya.



