Madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin ayaa ka Hadlay hadalkii dhawaan kasoo yeeray dowlada wadanka Marekanka oo ku aadanaa in ay soo dhaweynayso in lasoo Rido diyaradii laga lahaa Wadanka Russia.
Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in dowladiisa ay baaritaano wali wado oo ku aadan diyaarada Lasoo riday isagoona sidoo kale digniino caga Jugleen ah u jeediyay dowlada Marekanka.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin ayaa ka Hadlay kusoo biirista duqeymaha dalka Syria dowlada France isagoona ugu HamBalyeeyay in dowlada France ay kusoo biirto duqeymaha kadib weerarkii dhawaan Lagu qaaday Magaalada Paris ee dalka France.
Xiriirka u dhaxeeya Wadamada Turky-ga iyo Russia ayaa xumaaday kadib markii Ciidamada Cirka Tuky-ga ay soo rideen diyaarad dagaal oo laga lahaa wadanka Russia

