Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhashay Booyad oo barqanimadii maanta ka Dhacay Xaafadda Towfiiq Ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Haweeney kamid aheyd dadkii ka dhawaa halka ay ku qaraxday Booyadda ayaa idaacadda simba ee Magaalada muqdisho u sheegtay in booyadda la sameenayay inta aysan qarxin ka hor islamarkaana ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kala ah kii loo sameynayay iyo ninkii sameynayay.
Waxa ay hadalkeeda ku dartay Haweeneyda In labada qof ee dhaawacatay mid kamid ah uu gubtay islamarkaana haatan xaaladiisa lala tacaalayo, waxayna hadalkeeda ku dartay in aan la aqoonin waxa sababay qaraxa.

