Sii hayaha Xilka Wasiirka arrimaha dibedda Xukuumaddii waqtigeedu uu dhamaaday Cabdisalaan Hadliye Cumar oo ku sugan magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa halkaas kaga qeyb galaya shir Caalami ah.
Wasiirka ayaa ka qeyb galaya shir ku saabsan la dagaalanka argagixisada gaar ahaan kooxda daacish, oo ay qabaneyso wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, waxayna Soomaliya kamid tahay wadamada ay ku sugan Yihiin kooxda.
C/salaam Hadliye ayaa sheegay In shirkaan uu muhiimad gaar ah Soomaliya ugu fadhiyo islamarkaana ay rajenayaan in Natiijooyinka wanaagsan ay kasoo baxaan markii lasoo gaba-gabeeyo.

