Wasaaradda Maaliyadda iyo Raisulwasaare Ku-xigeenka Yaa Mudnaan in La Siiyo+Dhageyso

0

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya islamarkaana kasoo jeeda deeganada Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in aysan codka kalsoonida siin doonin Golaha Wasiirada Cusub oo uu soo magacaabay Raisulwasaaraaha Xukuumadda Soomaliya.

Xildhibaan Idiris Cabdi dhaqtar oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay In xildhibaanada kasoo jeeda deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya oo tiro ahaan oo gaaraya 60-mudane oo kulan yeeshay ay isku raaceen in aan codka kalsoonida la siinin Golaha Wasiirada Cusub oo uu soo magacaabay Raisulwasaaraaha Soomaliya.

Xildhibaanka ayaa sheegay in la qiyaamay Xildhibaanada kasoo jeeda Koonfur Galbeed Soomaliya oo markii hore lagu balamay in Koonfur Galbeed Soomalia la siiyo Wasiirada Maaliyadda iyo Raisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here