Ra’isal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, wuxuu maanta magacaabay gole wasiirro ah oo ka kooban 26 xubnood oo uu ku jiro wasiirkii horee arrimaha dibadda oo haatan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka maaliyadda iyo weriye hore uga tirsanaa BBC-da oo noqonaya diblomaasiga ugu sareeya ee Soomaaliya.
Khayre oo xilkan uu u magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Maxamed bishii hore, ayaa liiska magacyada wasiiradiisa ka hor akhriyey warfidiyeenka.
Madaxweyne Farmaajo laftiisa waxa bishii hore loo dhaariyey xilka ka dib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maamulkiisa ay shacabka iyo dalalka reer galbeedkuba ku dhaleeceeyeen fadeexado musuqmaasuq.
Madaxweynaha oo hore u soo noqday ra’isal wasaare isla markaana haysta dhalashada dalka Maraykanka ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono gaajada, musuqa iyo colaadda ragaadiyey Soomaaliya oo muddo rubuc qarni ah dagaallo sokeeye ka socdeen.
Ra’isal wasaaruhu wuxu u magacaabay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle in uu noqdo wasiirka maaliyadda halka u Yuusuf Garaad Cumar na u magcaabay in uu noqdo wasiirka arimaha dibadda. Beyle oo ahaa dhaqaaleyahan ka tirsanaan jiray Bankiga Horumarinta Afrika, ayaa hore u soo qabtay xilka wasiirka arimaha dibadda intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2015. Yuusuf Garaad oo isna haysta dhalashada Ingiriiska ayaa ahaan jiray madaxa laanta af-Soomaaliga ee BBC-da.
Xubnaha kale ee xilalka muhiimka ah loo magacaabay waxaa ka mid ah Cabdi Faarax Juxa, oo siyaasadda socod barad ku ah oo isna loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha.
Rallisalwasraaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo magacabaay sida uu hadalka u dhigay ”shaqsiyaad matali kara shacabka, lehna karti ay ku meel mariyaan Qorshaha Xukuumadeyda”
Ra’isal wasaare Khayre wuxu ahaan jiray agaasimaha heer wadan ee shirkadda Ingiriiska ee Soma Oil and Gas u qaabilsan Soomaaliya. Magacaabistiisa qudheeda ayaa muran ka dhasay maadaama khubaro Qaramada Midoobay ka tirsani ay hore ugu eedeedyeen shirkaddaas in ay wasaaradda baatroolka Soomaaliya siisay ku dhawaad 600,000 oo Doolar si aanay ugaga noqon heshiis sahamin ahaa oo ay shirkaddu ka heshay dalka sannadkii 2013.
Laanta dawladda Ingiriiska u qaabilsan la dagaalanka dembiyada culus ee dhaqaalaha ayaa shirkadda baartay, hase yeeshee may helin cadaymo sababi kara in maxkamad la hor geeyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ballan ugu qaaday dadka in uu soo af-jari doono marxaladda Al-Shabaab iyo kooxaha kalee mitidiinta Islaamiyiinta ah, isagoo sheegay in dagaalyahannada kooxahaas loo suurto galin doono “nolol habboon” hadii ay isa soo dhiibaan.
Golahan wasiirada ee uu magacaabay ra’isal wasaaruhu ayaa maalmaha soo socda la hor geyn doonaa baarlamaanka si uu u ansixiyo.

