Ra’iisul Wasaaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay Wehliyaan Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa Caawa Booqday Cisbitaalada la Dhigay Dadkii Ku Dhaawacmay Qarax lala beegsaday Difaaca ay Ciidamada Ammaanku ku leeyihiin Xarunta Golaha Murtida Iyo Madadaalada National Theater magaalada Muqdisho.
Cisbitaalada uu booqday Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa ay kala ahaayeen Madiina iyo Ordugan, isagoo midmid u xog wareystay dadka dhaawayadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.
Mudane Kheyre ayaa Warbixino ka dhageystay Saraakiisha Caafimaadka Ee Cisbitaaladaasi, wuxuuna ka dalbaday in dag dag loogu soo gudbiyo bukaanada Xaaladdooda Caafimaad aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.
Agaasimaha Cisbitaalka Madiina Dr Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Cisbitaalka Madiina la soo gaarsiiyay dhaawacyada 20 ruux kuwaas oo hadda xaaladdooda Caafiimaad ay la tacaalayaan.
Sidoo Kale Saraakiisha Ciifimaadka Cisbitaalka Ordogan ayaa xagooda sheegay in lasoo gaarsiiyay 1 bukaan ayna daweynayaan.
Intaas Kadib Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa u Sheegay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA in uu magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira Dhaqaatiir, Aqoonyahan iyo Culimaa’udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka Dhaawacyadoodu ay culisyihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa Caawa booqday Goobtii uu qaraxa ka dhacay, waxaana halkaasi la geeyay howlwadeeno ka tirsan waaxda nadaafadda ee dowladda Hoose, iyagoo isla caawa bilaabay howlo lagu nadiifinayo burburka iyo waxyaabaha kale ee ka dhashay Qaraxa.

