Xili dhawaan magaalada cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha galmudug lagu dooranayo waxana magaalada laga dareemayaa diyaargarow xoogan.
Magaalada waxaa malmihi ugu danbeeyay gaaray xildhibaanada baarlamaanka galmudug gaar ahan kuwi banaanka kaga maqnaa magaalada.
Sidoo kale waxaa magaalada gaaray Musharixiin u tartameysa doorashada madaxtinimada Galmudug iyadoona Boorar waaweyn lagu xardhay bartamaha magaalada cadaado.
Xildhibaan Muxudiin Sunni Oo Kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa u sheegay idaacadda simba in hatan ay socoto qaban qaabo loogu diyaargaroobayo doorashada galmudug.
Halkan ka dhageyso

