Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle ee kasoo horjeeday Golaha wasiirada uu dhawaan Magacaabay Madaxweyne Osobole oo maanta la ansixiyay ayaa eedeen kulul u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas.
Xildhibaan Maxamed Cali Faarax Kolombo oo kamid ah Baarlamaanka Hir-shabeelle islamarkaana xubin ka ah Kutlad dhawaan la magac-baxday Kutladda Badbaadinta Hir-shabeelle ayaa sheeegay in Gudoomiyaha baarlamaanka Maamulkaas Shiikh Cismaan Barre in uu go’aan shaqsiyadeed gaaray islamarkaana uu sheegay in ay ansax yihiin Golaha wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Osoble.
Waxa uu sheegay in Tirada Xildhibaanada Kulanka soo xaadirtay ay u badnaayeen Wasiirada Maamulkaas,islamarkaana ay dhamaantooda gacanta taageen taasina ay kamid tahay waxyaabaha maanta la musuq-maasuqay.
Xildhibaan Maxamed Cali Faarax Kolombo ayaa dhanka kale tilmaamay in Gudoomiyaha Baaramaanka Hir-shabeelle Shiikh Cismaan Barre ay ku heshiiyeen in laga doodo marka hore arrimaha Mooshinka kadibna cod loo qaadayo,balse Gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas uu heshiiska kaga baxay.

