Hay’adda MSF oo Howlo Caafimaad Ka Bilowday Qaar Kamid ah Gobalada Dhexe

0

Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa sheegtay in howlo daweyn ah ay ka bilaabeen qaar kamid ah gobalada dalka Soomaaliya oo abaaro xoogan ay ka jiraan.

Mas’uul u hadlay MSF ayaa waxa uu sheegay in ay dabiibeen bukaano la’iil daranaa cuduro ay kamid yihiin shuban biyoodka iyo cudurka daacuunka waxaana ay sheegtay hay’adu in si dhaqsi leh ay ku fidayaan cudura soo wajaha dadka abaaraha ay saameeyeen iyagoo iminka ku faafay gobolo kamid ah Soomaaliya kuna sii wajahan Caasimada addis ababa ee dalka Ethopia iyo waliba Gobalka NFD.

Hay’ada ayaa sheegtay in tan iyo bishii July ee sanadkii hore ilaa bishan January ee 2017 intii u dhaxeysay in kiisas gaaraya 7,200 oo kamid ah cudaradaasi in ay ka ka daaweeyeen qoysas Soomaali ah oo ku noolaa Gobalada dalka Soomaaliya.

Agaasimaha isbitaalka dhagax buur bashiir mohammed ayaa sheegay in ay ka codsadeen hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF in ay soo garaan qaar kamid ah deegaanada ay ka dilaaceen jirooyinka aad ka u daran isagoo tlmaamay in cashiro ay ka barteen ka hortagista iyo sida loola dhaqmo cudurada sida deg deg ah ku faafa.

Nolan oo ah madaxa howlgalada MSF ee dalka ethopia ayaa sheegay in loo baahanyahay horumarinta biyo iyo deegaan nadiif si saameynta ay u yaraato waxaana uu intaa ku daray in si lamid ah arimahaasi ay tabo bar u fidin doonaan bulshada ku nool deegaanadaas si nolosha qoysaskooda ay u badbaadiyaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here