Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ayaa ka hadlay dhacii dhawaan loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliyeed ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya.
Waxa uu sheegay in wax micno gaar ah aysan ku fadhinin dhicii dhawaan loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya oo ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya, waxa uuna sheegay in arintaas ay ka dambeeyeen shaqsiyaad ka Tirsanaa Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud oo ka howlgal Villa Soomaliya.
“Dhaca loo geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya ee ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya wax weyn ma aysan aheyn, waxaa ka dambeeyay ragii ka Tirsanaa Dowladii Hore ee xarunta Madaxtooydda Soomaliya muddo ku shaqeynaysay, ujeedka ugu weyn waxa uu ahaa in dhibaato loo geysto dowladda Cusub ee Soomaliya”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore.
Dhawaan shaqsiyad oo ilaa haatan aan la magacaabin ayaa dhac u geystay xafiiska Hanti dhowraha Qaranka Soomaliya oo ku yaala Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya., hanta dhowraha oo ka hadlay arintaas ayaa xaqiijiyay in la xaday Dukumintiyo Muhiin ahaa oo yaalay xafiiskiisa.

