Garoonka Diyaaradaha Magaalada muqdisho ee aadan Cadde waxaa kasoo dagay ciidamo cusub oo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya kuwaas oo tababar caalami ah kusoo qaatay dalka Jabuuti.
Ciidamadaan oo ahaa Leyli Saraakiil ayaa waxay tababar ilaa shan bil ah kusoo qaateen dalka Jabuuti oo ah wadan ay Soomaaliya walaalo yihiin
Ciidamadan waxaa garoonka Diyaaraha Magaalada muqdisho kusoo dhaweeyay Gen. Axmed Dayib Axmed oo loo yaqaan Dhegacaleen iyo saraakiil ka kale oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaana markii dambe loo gudbiyey taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili shalay Taliska Xoogga dlka Soomaliyeed lagu amray in Ciidamada Malatariga uu ka saaro Magaalada islamarkaana amniga magaalada lagula xisaabtamo Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugida.




