War Deg Deg: Kooxo Hubeysan oo Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada Soomaliya Ku Dhaawacay Muqdisho

1

Sida ay sheegeen wararka Kooxo Hubeysan ayaa goor dhaweyd Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dhaawaceen  Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada soomaliya.

Sarkaalka la dhaawacay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Col.Saciid Max’med  wuxuuna Watay markii la dhaawacayay baabuurta raaxada oo maarayay wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Kooxihii dhaawaca  geystay ayaa la sheegay In ay goobta ka baxsadeen waxaana Haatan goobta soo gaaray ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo baaritaano ka wada wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Dhanka  kale Xarakada al-shabaab ayaa sheegtay in ay dileen sarkaalkaan ka Tirsanaa ciidamada dowlada wallow warar soo baxaya ay sheegayaan in dhaawaca soo gaaray sarkaalka  uu yahay  Mid aad u daran,

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here