Sida ay sheegeen wararka Kooxo Hubeysan ayaa goor dhaweyd Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dhaawaceen Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Dowlada soomaliya.
Sarkaalka la dhaawacay ayaa Magaciisa Lagu sheegay Col.Saciid Max’med wuxuuna Watay markii la dhaawacayay baabuurta raaxada oo maarayay wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Kooxihii dhaawaca geystay ayaa la sheegay In ay goobta ka baxsadeen waxaana Haatan goobta soo gaaray ciidamada ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo baaritaano ka wada wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Xarakada al-shabaab ayaa sheegtay in ay dileen sarkaalkaan ka Tirsanaa ciidamada dowlada wallow warar soo baxaya ay sheegayaan in dhaawaca soo gaaray sarkaalka uu yahay Mid aad u daran,


Nasiiha Hasan Abdule liked this on Facebook.